Xasan Sheekh oo inta ka dhiman noloshiisa noqonaya xildhibaan (Sababta?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu noqon doono Xildhibaankii u horeeyay ee ka tirsan BFS inta uu noolyahay.

Xildhibaanimada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dheeraad ku noqon doonta tirada Xildhibaanada BFS, maadaama uu soo hogaamiyay dalka.

Dastuurka dalka ayaa dhigaaya in cid waliba oo noqota Madaxweynaha Somalia uu noqonaayo Xildhibaan ka tirsan BFS marka uu ka dego xilka, isagoo dheeri ku noqonaaya Xildhibaanada inta uu noolyahay.

Dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad Page 19 ayaa qeexaaya in Madaxweynaha Somalia uu noqonaayo Xildhibaan inta uu noolyahay.

Qodobada aan kor ku xusnay ayaa fursad siinaaya Madaxweyne waliba oo Hogaamiya Qaranka Somalia inuu kamid noqdo Xildhibaanada BFS, isagoo aanu gali doonin doorasho iyo is jiid jiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com