METELAYAASHA Galmudug maqanayaal maran! (Faallo Xasaasi ah)

Maalintii caleemosaarka Xaaf, ayaan qoray qoraallo ku wajahnaa qaar ka mid ah xildhibaannada iyo senotarrada laga soo doortay degaanka iyo maamulka Galmudug, ee ku metela labada aqal.

Dhawr mar ayaan ku soo laablaabtay aragtitebintaa, oo aan filayey, in ay saddax maalin soocotay, anoo mar walba weydiimo ujeedinayey metelayaashaa, aanan warcelin ka helin, marka laga reebo gunuunac ama ismoodsiin.

Sababta aan wax uga qoray, weydimahana u weydiinayey waxay eheed, in ay ka maqnaayeen madasha caleemosaarka MW Xaaf, oo ay ku dhammaayeen badi madaxda maamullada dalka, MW Formaajo, wakiillo caalamka ka socday, danjirayaal shisheeye iyo marti sharaf kale.

Dadka keliya ee ka maqnaa caleemosaarka way ahaayeen metelayaashii ugu cadcaddaa degaanka iyo maamulka Galmudug ku metelayey dawladda dhexe. Ayaandarro!

Markaa waxaan xushay tiro dhawr ah, oo aan u arkayey, maqnaashahoodu in uu yahay doqonnimo ka sokow, xil gudasho la’aan.

Dad badan ayaa qiil u sameeyey maqnaashahooda, anigase iga ma gedmin, qaar kale, waxay ku doodeen, in aan keliya hab beeleed isugu xiray, haddana, waxaan waayey qof ii sheega metelayaasha aan xusay, qof beelaha kale ka soo jeeda, oo ku miisaan ah. Ma dhicin.

Maalmahaa waxaan wax ka qoray Abshir Maxamad Axmad (Abshir Bukhaari) guddoomiye ku xigeenka aqalka sare, xildhibaan Mahad Salaad, horana u ahaa wasiirodawladaha madaxtooyada, marna wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen (Odowaa), wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo Axmad Macallin Fiqi, Agaasimihii hore ee hay’addda nabad suggida.

Senator Abshir Bukhaari waxay eheed, asoo fiirinaya xilka uu hayo iyo degaanka uu metelo, in uusan ka baaqsan caleemosaarka madaxweynaha maamulka uu ku metelo xilkan sare, ee uu bulshada u hayo, maxaa yeelay, haddii uusan qayb maamulkaa ku heli lahayn ma hanteen. Marka sidee uga maqnaa karaa xaflad hal gellin dhacaysa, in uu degaanka uu xilka ku metalo la qaato damaashaadka maalintaa? Ma garan.

Xildhibaan Mahad Salad wuxuu ka mid ahaa, madaxdii amminka iyo aragtiba galisay, haba looga duwanaado ama lagu diiddanaado dhabbaha iyo dhinaca uu u maray Galmudug, haddana, dhismaheeda ammaan iyo eedba wuxuu ka mid ahaa dadkii unugga iyo seeska Galmudug taagay.

Marka asoo miisaankaa lahaa, haddana xildhibaan ah, Mahad Salaad sidee isu deeqseeyey, maamiukii uu dhisay, ee wax badan awgii sokeeye iyo shisheeye ugu xagxagteen, in uu ka maqnaado maalinta maamuuskiisa? Ma garan.

Cabdiraxmaan Odowaa, si ka badan, kaalinta Mahad Salaad ayuu ku lahaa dhimsha Galmudug, oo ka sokow, in uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa xilliga la dhisayey Galmudug, haddana, waxaa u sii dheeraa, in magaalada Cadaado, oo ay taallay gogoshada eragada maamulka dhisaysay, in ay deggan yihiin beesha uu ka dhashay. Marka marna wuxuu ahaa wasiir dhise ah, marna wuxuu ahaa martisoore loo marti yahay.

Dhismaha Galmudug, Xildhibaan Odowaa wuxuu ku bixiyey ammin, itaal iyo aragti, kana tallaabsaday culayso, cuuryaamin iyo caqabado uga yimid xigto, daris iyo dadyaw kale, taa oo uu ku mutay ammaan iyo ilwaad badan, haddana, mar labo gu’ ku dhawaad laga joogo maalintii uu dhismaha Galmudug ku guulaystay, noqotayna maalin sooyaalka Soomaalida, ee maamul dhisidda ka gashay baal dahab ah, in uu Xildhibaan Odowaa ka maqnaado caleemosaarka madaxweynihii 2aad ee Galmudug yeelato waxay eheed ayaandarro!

Axmad Fiqi, wuxuu ahaa, tartamihii ugu adkaa, loona wada badinayey, in uu ku guulaysto madaxnimada Galmudug, doorashadii 2015, oo wareegga labaad uu ku guulaystay Cabdikariin Guuleed. Marka xldhibaan Axmad Fiqi, maalintii Guuleed loo caleemosaarayey madaxweynaha Galmudug, ka ma uusan qaybgelin xafladdaa, oo macneheeda la garan karay, maadaama uu la tartamay Guuleed lagana guulaystay, ee middan oo uu sabab u ahaa, in Xaaf xilkaa raadsado, muxuusan uga qaybgelin? Ma garan!

Si walba, haddii hore loo yiri: “meel aad madaxeeda tahay, majaheeda la ma noqdo!” aniguna waxaan leeyahay; “meel aad hormuudkeeda tahay, haraageeda la ma noqdo!”

Ka darane, Galmudug waxay noqotay maamulka keliya, ee aysan metelayaashiisu dib ugu laaban degaanka laga soo doortay xilligii fasaxa ay galeen baarlamaanku. Haddaba, ma Muqdisho ayaad meteshaan? Ogaalkeey, weli Muqdisho ma yeelan metelayaale, maxaad ku metashaan Galmudug; ma abirtka, ma magaca, mise maamul ahaan? Midbee, maxaad ugu taallaan marka? Ma garan.

Hadda, maanta ayaan wararka ku arkay, in metelayaasha kor ku xusan oo ay wehliyaan kuwa, oo ka soo jeeda degaanka Galmudug, ay u socdaaleen magaalaa Cadaado, si ay uga qaybqaataan daminta iyo xasilinta qalaalasaha siyaasadeed, ee ka taagan Galmudug, oo in ay sabab u tahay ka sokow, ay dawladda dhexe ku sii shubayso dab la yiraa dollar iyo baasiin la yiraa beeso!

Waxa maanta Xaaf iyo Galmudug loogu dhiirraday, waa in shalay laga waayey garabkiinna, sidaa darteedna loo arkay Xaaf in xilka laga xayuubin karo, iyada oo la adeegsanayo caadoqaatayaal aan cid iyo ciid midna caymin. Sidoo kale, waxaa la is tusay, in Galmudug aysan ku tiirsanayn metelayaal adag, oo degaanka ah, maadaama aad xooggiinna dhan isugu gayseen Xamar iyo xiisadaheeda aan dhammaan.

Qofofka iyo qolooyinka soo diray kuwa laaluusha diyaaradda ku soo qaaday, ee dantoodu eheed; ama ii DABADHILIFEE ama waan ku DUMIN, haddii ay hore u ogaayeen, in aan dhanka Galmudug la idin ka marin, sida aan la idiin kaga marin danaha guud ee aad maalin walba ka hadashaan, waxaa hubaal ah, in aysan ku dhirradeen, in ay tallaabadaa gurracan, ee shuftannimada iyo burcadaynta ah ay qaadaan.

MOORYAANNIMADU ma ahan keliya kurayga labaatan jirka ah, ee aqoon, aqli, ogaal iyo aqool ku filan lahayn ama aanba badi wada lahayn marka aqliga laga reebo, ee MOORYAANNIMADU waa in madax is ku sheeg ay u adeegsato awoodda iyo agabka dawladda, si ka baxsan sharciga, dawladnimada iyo maamulka, oo lacagtii iyo canshuurihii danyarta laga soo qaaday lagu baxsho, in la dumiyo maamullo dhismahooda laga soo maray dhibaatooyin badan.

In marka la is ku dayo hirgelinta MOORYAANNIMADAA waxaad ka tihiin qayb, maxaa yeelay, in la yiraa; ishiisa laga gartaa ushiisa lagu dilaa, ka sokow, haddana, haddii aadnaan garan, in maalintii aad ka maqnaateen caleemosaarka Xaaf, oo si walba aad u ka la aragti duwanaa kartaan, ood si walba isu khilaafsanaa kartaan, wax aan idin ku tilmaamo aan ka ahayn DOQONI WAA DAMMAN TAHAY ma hayo.

Si walba, maanta haddaad garateen, ku dedaala, in damaca qof ama qolo, ee idin ku jiri kara, uusan saamayn xun ku yeelan Galmudug, oo ah meesha walba idin sugaysa, ee aad xil iyo xigto u soo doonanaysaan. Marka tallaabada maanta aad Cadaado ku tagteen yeysan noqon keliya laab la kac iyo caaddifad, ee ha noqoto mid horseedda aragti siyaasadeed iyo maamul, oo Galmudug sal loogu yeelo, dawladda dhexena lagu la xisaabtamo.

DHAN.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com