Meydad dhooban goobaha ay ku dagaalamayaan Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno dagaalka u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in goobaha dagaalka weli laga maqlaayo rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Rasaasta leysu adeegsanaayo ayaa u badan kuwa culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo sheegayaa in inta badan rasaastaasi ay ku kala dhaceyso Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa ku dhacaaya Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale wadooyinka buux dhaafiyay Meydadka Askarta labada dhinac iyo kuwo shacab ah.

Meydadka dadka qaar ayaa la sheegayaa inay u dhinteen gurmad la’aan waxaana inta badan dadkaasi ay meydadkooda yaalan wadooyinka haleelay rasaas wiifto ah.

Meydadka yaalla wadooyinka qaar ayaa waxaa ku jira Carruur, Haween iyo Dhalinyaro kuwaasi oo qax ka ahaa dagaalka, waxaana xusid mudan in meydadkaasi ay ku jiraan ciidamo ka kala tirsan labada dhinac.

Ciidamada labada dhinac ay ku sugan meel magaalada ujirta 8 Km, waxa ayna Hubka qaar ku dhacayaan meelo faaruq ah.

Saraakiisha labada dhinac ayaa guulo ka kala sheeganaaya dagaalka socda, waxaana aad looga cabsi qabaa in Dagaalka uu isku bedelo xili habeen ah, waa haddii uu sidaani kusii socdo.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda labada dhinac ee ku aadan dagaalka wali ka socda magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com