Meydadka Muhaajiriin Soomaali ah oo buux dhaafiyay Xeebaha Masar (Tiradda)

Muqdisho (Caasimada Onlin)-Doontaani oo siday Boqolaal Soomaali u badan ayaa lasoo warinayaa in goordhow ay ku degtay Xeebaha dalka Masar.

Doonidan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii jeeday Xeebaha Dalka Talyaaniga balse Muhaajiriintii saarnaa oo aad u badnaa ayaa waxaa suuragashay inay la degto doonida.

Doonidaani ayaa ku degtay Xeebta Kafra-Al Sheikh oo qiyaas ahaan 140Km u jirta Magaalada Qaahira ee Caasimada Dalka Masar.

Inta la xaqiijiyay 29 Ruux ayaa dhintay, in ka badan 100 kalena waa la soo badbaadiyay, kadib markii ay gurmad u sameeyen Maraakiibta Masar ee ku wareegta Xeebaha dalkaasi.

Warbaahinta dalka Masar ayaa tabisay in Doonida ay la socdeen Muhaajiriin ka soo kala jeeda Dalalka Masar, Syria iyo Wadamada kale ee Afrika.

Warbaahinta qaar ayaa qoreysa in Kooxaha gurmadka ayaa soo badbaadiyay 150 Ruux oo doonidaasi la socday waxaana weli socda howlgallo ballaaran oo lagu soo samata bixinayo kuwa kale oo la la’yahay.

Sidoo kale, Sargaal ka tirsan dhinacyada gurmadka caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in inta badan dadka dhintay ay yihiin Afrikaan.

Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa gaaray tahriibayaal aad u fara badan kuwaasi oo Dalalka Yurub u raadiyay nolol dhaanta midda ay dalalkooda uga carareen.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com