MeydkaTubeec oo berri lagu aasayo…

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku-sumaha madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameyn doono fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Jawaari ayaa sheegay in meydka marxuumka in laga soo qaaday Jermalka isla berrina laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u xil saartay aaska allaha ha u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec maadama uu ahaa fannaan doorweyn ka soo qaatay horrumarka fanka iyo gobonimada Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan aaska loo sameenaayo marxuumka maadama uu ahaa fannaanka geeriyooday Soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com