26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Meydka SOOMAALI laga helay MPLS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minnasota (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalkan Maraykanaka ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka wiil dhallinyaro Soomaali ah.

Sidda ay lee yihiin laamaha ammaanka, wiilkan oo lagu magacaabo Mire Axmed ayaa loo maleenayaa in la dilay balse xog badan lagama hayo.

Xilligii la dilaayay waxaa uu ka yimid shaqo

Marxuum Mire oo 26 jir ah, ayaa la sheegay in lagu dilay xaafadda Sadar ee Minneapolis, waana xaafad ay si weyn u deggan yihiin Soomaali badan, siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee dalka Maraykanka.

Meydka wiilkan Soomaaliga ayaa la geeyay Isbitaal oo hadda baaritaan ayaa ku socota.

Dilkan wiilkan waxaa walaac weyn ka muujiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wiil Soomaali ah lagu dilo dallka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News