Michael Keating oo fulinta hal arrin ugu baaqay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sida lagu sugi lahaa amniga Wasiirada iyo Xildhibaanada.

Michael Keating, ayaa sheegay in QM ay ka qeybqaadan doonto dadaal waliba oo lagu sugaayo amaanka Xubnaha labada Gole ee DFS.

Waxa uu walaac ka muujiyay in Ciidamada dowlada aysan kala garaneynin mas’uuliyada ka saaran ilaalinta Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Michael Keating, waxa uu sheegay in mas’uuliyad dari ay muujineyso in Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada aysan heysan Gaadiid ama Ciidamo tayo leh oo lagu haleyn karo amaankooda, sida uu hadalka u dhigay.

Michael Keating, ayaa carab dhabay in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha laga doonaayo inay la imaadaan qorshooyin ka duwan kuwii hore waxa uuna arrin aad u fool xun ku tilmaamay in dil noocaasi ah uu ka hordhaco afafka hore ee Villa Somalia.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa cadeeyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan adduunka ay isha ku hayaan sida laga yeeli lahaa Askarta dilka foosha xun u geystay Wasiir Siraaji oo horseed u ahaa Isbedel doonka Somalia.

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dilal bareera oo ay geystaan Ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Milliteriga iyo Nabadsugida.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET