Maxaa u sabab ah inuu Is casilo guddoomiyaha la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Is casilaad ku dhawaaqay Gudoomiyihii Hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa ee Maamulka Somaliland Axmed Muxumed Madar.

Guddoomiyaha Is casilay ayaa sheegay inuu la kulmay howlihii musuqa ee uu la dagaalamaayay isla markaana ay jiraan sababo kale oo dhowr ah kuwaa oo soo dadajiyay is casilaadiisa.

Axmed Muxumed Madar, ayaa sheegay in dhammaan Soomaaliland xafiisyadeeda ay ka jiraan Musuq Maasuq weyn, waxa uuna maamulka weydiiyay sababta ay xilka ugu magacaaben marba haddii Musuqa uu ka jiro Madaxtooyada ilaa xarumaha kale ee maamulka.

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sheegay inuu ceebsanaayo inuu qeyb ka noqdo kuwa Musuqa ku bahoobay ee dartooda uu isku casilay.

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sidoo kale sheegay in dadaal badan uu bixiyay ay ka suurta gali weysay Golayaasha Maamulka sidaas darteedna uu qaatay go’aan ah in uu xilkaasi iska casilo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa sii kordhaaya cadadka mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee isku casilaaya sababaha la xiriira Musuqa iyo is-dabamarinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com