26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Micheal Keating oo markale Gaalkacyo u tagaya xalka Cabdi Welli Gaas & Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaa maanta markale laga sugayaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa lagu waramayaa in markale magaalada uu u tagi doono sidii xal looga gaari lahaa wadahadalada labada maamul oo wali xal rasmi ah aan laga gaarin.

Wararka ayaa sheegaya in labada maamul ay soo bandhigeen qodobo dhowr ah oo midba mid kale ka diidan yahay, waxayna qasabtay in la isku fahmi waayo sii socoshada wadahadalka.

Cumar C/rashiid oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo kala duwan oo la isku fahmi waayay la yeeshay odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

Galmudug ayaa soo bandhigay labo sharuud oo ay kamid yihiin in la kala qaado ciidamad isku horfadhiya magaaladaa iyo in Puntland qaado xayiraadda gaadiidka ay saartay.

Waxaana labada qodob diidan maamulka Puntland, sidoo kale waxaa jiro sharuudo Puntland ay soo bandhigtay oo Galmudug diidan yihiin.

Caasimada online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News