Cadaado (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure.
Amarka lagu xiray Wasiirka iyo Seddexda ruux ayaa waxaa bixiyay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Gen. Gaafow, waxaana raggaasi xarigooda fuliyay Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug.
Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto muran ku saabsan kuraasta aqalka hoose ee beesha Habar-Cayno ee Murusade.
Gaafow ayaa isku dayaya inuu qorto ergo asaga uu wato si ay ugu codeeyaan walaalkiis oo ka yimid Canada, islamarkaana doonaya inuu noqdo xildhibaan.
Wasiirka ayaa wali ku jira gacanta Ciidamada NISA waxaana laga yaaba inuu sii xirnaado ilaa maalinta beri ah.
Ciidamada Nabad-Sugidda ayaa wasiirka ku eedeeyey inuu weeraray xarunta shirka, hase yeeshee weli wax caddeymo ah looma hayo arrintaas.
Ciidamada NISA oo sidoo kale afduubtay suldaanka beesha Foor-Culus ayaa la sheegay in markii dambe ay sii daayeen.
Magaalada Cadaado oo ka mida lixda goobood ee ay ka dhacayaan Doorashooyinka Aqalka hoose ayaa waxaa hareeyay fadeexado ku saabsan laaluush iyo ergooyin lagu dagaalamayo.
Magaalada oo la qorsheeyay in lagu doorto 36 xildhibaan ayaa maalintii labaad lagu guuldarreystay in wax doorasho ah ay ka dhacdo marki shaqaaqo weerar ah ay ka dhacday xarunta doorashada.
Shalay ayaa sidoo kale doorashadii ka dhacday magaalada waxa kaliya oo lagu doortay laba kursi, iyadoo qorshuhu ahaa in la doorto 6 kursi, taasoo ay ugu wacan tahay is qabqabsi iyo muran ka taagan ergooyinka.
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ergo fara badan oo magaalada ku sugan ay si gaara u keensadeen musharixiin waaweyn oo doonaya in iyaga ay u codeeyaan halka musharixiintii kale bannaanka kusoo dhaceen. Waxaa jir falal lagu bedelayo musharixiinta oo qaar cusub la wado saacadaha ugu danbeeya, lacago badan oo magaalada wareegaya.
Guddiyada doorashada ayaa ku mashquulsan dacwado is daba joog ah iyo xalinta caqabadaha hortaagan doorasho xalaal ah oo ka dhacda magaalada Cadaado, waxaana mugdi sii gelaya rajadii laga qabayin doorashada Cadaado noqoto mid sidii loo qorsheeyay ku dhici karta.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

