Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaaray Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.
Micheal Keating, ayaa waxaa socdaalkaasi ku wehlinaaya Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan QM, kuwaasi oo la sheegay inay kala talinayaan arrimaha Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland.
Socdaalka Micheal Keating ee magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya la socdka Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Kismaayo.
Micheal Keating, waxa uu sidoo kale, halkaasi uga qeybgalayaa munaasabad gaaban oo lagu soo afmeerayo Doorashooyinka Aqalka Hoose ee maalmahaani ka socday magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay 42 xildhibaan, waxaana harsan Hal kursi oo keliya, maadaama Degaanada Jubbaland ay ka imaanayaan 43 Mudane.
Dhinaca kale, Micheal Keating iyo Mas’uuliyiintii la soctay ayaa iminka ku sugan Madaxtooyada Kismaayo, waxaana dhawaan loo wareejin doonaa Goobta ay ka socto Doorashada Aqalka Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

