Mid ka mid ah afarta beel ee ugu weyn 4.5 oo diiday doorasho qof iyo cod ah

Baydhaba (Caasimada Online) – Beesha Digil iyo Mirifle oo ah mid ah afarta beel ee ugu weyn ee nidaamka 4.5 ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan la xiriira doorashada xigta ee ka dhaceysa Soomaaliya.

Odayaasha beeshan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, sida marar badan la sheegay.

Waxay sheegayaan inay doonayaan in lasii wado hab awood qeybsiga ku dhisan 4.5 ee beelaha.

Odayaasha ayaa sheegay inaysan waxba ka qabin haddii doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse la xaqiijinayo in beel kasta oo ka mid ah afarta beel ay heleyso 61-ka xildhibaan ee ay ku leedahay baarlamanka

Beelaha Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyey in marka hore la sameeyo tiro-koob rasmi ah, si loo xaqiijiyo in beel walba ay wax ku hesho tiradeeda, balse ayada oo aanay taas dhicin aan la qabin karin doorasho qof iyo cod ah.

Odayaasha ayaa ka digay in sad-bursi lagu sameyn karo doorashada la sheegayo inay tahay qof iyo cod, oo sida ay sheegeen la rabo in degmooyin aanay dad badan deganeyn lala simo degmooyin ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof.

Hoos ka dhageyso odayaasha oo la hadlay idaacadda VOA

Caasimada Onlien
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com