Beel ku dhowaaqday inay ka baxda DF

Baladweyne (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn gobalka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in kal soonida kala laabteen dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Shir ay ku yeesheen BEESHA GAALJECEL magaalada Baladweyne  wax-garadkooda, siyaasiyiintooda iyo odayaasha ayaa looga dhawaaqay in ay kalsoonida ay kala laabteen.

Cumar Aadan Dhigood oo loo yaqaano Cumar Dheere kana mid ah xubnaha ka qaybgalay shirka ka dhacay Baladweyne ,ayaa sheegay in dowladda ay xad-gudub kula dhaqaaqtay beeshooda, kaddib markii ay waxbo ka siin waayeen, safiirada, la taliyaasha, ciidamada iyo heykalka dowlad nimo sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Fedaraalka waxa ay noqotay Kud ka guur oo qanjo u guur, madaxweynaha wuxuu ku tuntay dastuurka isagoo waxbo ka siin dowladda Beesha Gaaljecel sidaas darteed annaga oo ah siyaasiyiin, xubnaha nooga jira dowladda iyo odayaasha waxaan ku dhawaaqeenaa in ay aan kalsoonida kala baxnay” ayuu yiri Cumar Dheere.

Wuu sii hadlay “Annaga degmooyin aan lahayn oo dowladii Siyaad Barre ay magacowday ayuu diiddan yahay madaxweynaha” ayuu yiri Cumar Dheere.

Dhinaca kale, shirka ka dhacay Baladweyne waxaa lagu qaaday maamulka loo sameenaayo Gobalka Hiiraan, waxaana ay sheegeen in maamulkaas uu yahay mid  aan loo dhammeen.

Si kastaba, shirka waxaa goob-joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kuwaasoo sheegay in ay isku fikir yihiin odayaasha iyo waxgaradka beesha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

Caasimada@live.com