Mid ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka oo ay shacabka dhisayaan

Lusaka (Caasimada Online) – Jaaliyadda soomaalida ee ku nool dalka Zambia ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyadda dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Lusaka, taasoo uu ka codsaday ra’iisul wasaare Khayre.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii ay kulan yeesheen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas iyo ra’iisul wasaaraha.

“Dhismaha safaaradda waxay ahayd hawl hore noogu qorshaysnayd ka jaaliyad ahaan, isla arrintii ayuuna nagu sii dhiirri galiyey, innaguna waan ka ballanqaadnay” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo isagoo jooga magaalada Ndola u warramayey BBC.

“Tan iyo 1965kii ayaan waddankan degganayn, waan ku tala galnay in aan hawshaas galno oo aan safaaradda dhisno, haddii dawladda ay nala galayso hawshaas dhismaha safaaraddana waan soo dhoweynaynaa” ayuu sii raaciyey.

Adeegga safaaradda ayuu sheegay in aysan dhibaato ku qabin, dhinac qunsuliyadeed iyo midda waaxda socdaalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu uga mahad celiyey Soomaalida ku nool Zambia inay leeyihiin hal jaaliyad.

Soomaalida waddankaas ku nool ayaa u badan dad ganacsato, waxaana ku yar dadka qaxootiga ah, marka la barbar dhigo dalalka Afrikada bari.

Isha: BBC Somali