Muuse Biixi oo shaaciyey go’aan la xiriira deeqaha ay ka helaan dunida oo DF ay dooneyso in lasoo mariyo

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay go’aan la xiriira deeqaha maamulkiisa caalamka uu ka helo, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso in ayada lasoo mariyo deeqahaas.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay qaadanayn deeqaha caalamku siiyo Somaliland haddii cid kale loo soo mariyo, ayna ka door bidi doonaan inaysan waxba helin.

Muuse Biixi ayaa yidhi; “Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno sandareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalkayaga”.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyada oo dhowaan dalka Belgium-ka lagu soo gabo gabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com