Ujeedada Gaas ee dagaalka Takuraq oo la ogaaday iyo xiisad ka dhallan doonta

Garoowe (Caasimadda Online) –Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa abaabulay dagaalka lagu qaaday Takuraq ee lala galay Maamulka Somaliland.

Dad badan ayaa is waydiinayey sababta keentay dagaalka lagu qaaday Takuraq iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho sanadka 2019 ka dhacdo Puntland.

Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa wado qorsho cajiib ah oo ay ku doonayaan  inay waqti dheeri ah ku darsadaan isla markaasna dib loo dhigo doorashada.

Labadaan Mas’uul ayaa ku heshiiyey in dadka Puntland iyo siyaasiyiinta xil doonka ah lagu mashquuliyo dagaalkaas isla markaasna Baarlamaanka  la horgeeyo inaan la qaban karin doorasho madaama ay Puntland ku jirto xiisad dagaal.

Sidaas ayaana amar lagu siiyey ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday Takuraq waxaana muuqato inaan weli laga gaarin wax guul ah taasoo ah ujeedada Gaas uu ka leeyahay dagalkaas.

Gaas iyo saaxiibadiis ayaa doonayo inay ku darsadaan ilaa 2 sano xukunka taasoo u muuqato inaysan suurtageli karin maadaama uu loolan adag kala kulmayo musharixiin badan oo u hanqal taagayo inay qabtaan xilkaas.

Cabdiweli Gaas ayaa horey u sheegay inuusan xilkaan mar kale usoo tartami doonin balse waxaa hadda muuqato damac weyn oo uga jiro inuu kusii fadhiyo xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland.

Musharixiinta Puntland ee isku diyaarinayo doorashada ayaa horey uga digay inaan dib looga dhigi karin waqtigii lagu balamay waxayna sheegeyn inay taas keeni doonto jahwareer ku dhaco maamulka.

Maamulka Somaliland ayaa horey Puntland ugu eedeysay inay dagaalkaas iyada soo qaaday isla markaasna la rabo in waqti kororsi lagu sameysto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com