15 amar oo kasoo baxay gobolka Banaadir oo aan la fulin iyo sababta keentay!!

Muqdisho (Caasimadda Online) –Gobolka Banaadir waxaa uu mar walbo soo rogaa amarro, laakin intooda badan waxaa adag in ay fulaan sababo la xiriira maamul xumo iyo istiratiijiyad la’aan, amarkii lo’da looga mamnuucay jidadka Xamar oo dhaqan-geli waayey ayaa ugu dambeeyay!

Amarradan oo  intooda badan ku saabsan qaabka nolosha dadka reer Muqdisho, waxaa la iska soo saaraa iyada oo aan la gelin wadatashi, lagu sameyn wax daraasad ah, taasi ayaana keentay inay guul-dareystaan, oo weliba loo arko wax lagu qoslo!!

Haddaba, Akhriso, Sooyaalka Amarro Ay Soo Rogeen Gobolka Banaadir Oo Guul-dareystay.

December 4, 2013: Gobolka Banaadir ayaa amray in la dhiso guryaha burbursan“Muddo sadax bil ayay haystaan dadka iska leh guryaha ku yaalla laga bilaabo saldhiga degmada Xamar Weyne ilaa Hotelkii Curuba, iyo dhanka bankiga dhexe ee dalka, marka waxaan leeyahay hala dhisto dhismayaasha bur bursan” sidaa waxaa yiri xogheyaha guud ee gobolka Banaadir, 5 sano kadib guryihii waa sidoodii!

October 16, 2015: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Muungaab ayaa amray in la bixiyo canshuurta gurayaha, isaga oo ku hanjabay in ciddii diida talaabo laga qaadi-doono, November isla sanadkaas Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo jagadaas isna kolkaas hayey ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho, Lacagta waxaa ay aheyd $100, ilaa hadda waxba lagama qaban!

January 12, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo Saaray Amaro lagu Mamnuucayo Kawaanadda Xoolaha Lagu qalo ee Ku Yaala Gobolka banaadir. AFhayeenka Gobolka banaadir ayaa Sheegay In Kaliya La isticmaali Karo Laba Kawaan Kaliya Kuwaas oo Kala ah Kawaan Bari ee Degmada Cabdicasiis iyo kawaanka Nasiib Degmada WadaJir ee Gobolka Banaadir, arrintaas looma hoggaansamin!

January 17, 2016: Guddoomiya gobolka oo ka hadlayey barnaamijka “Aada dugsiyada” ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka hooyo ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, arrintaas waxaa ay noqotay mid aan fulin, oo lagu sheekeysto!

April 7, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, goddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada aanu dhex mari Karin gaari aan taarko laheyn, waxaa  April 19, 2018 ku celiyay Guddoomiye Yarisow oo kula hadlayey booliiska Iskuulka tababarka ee Jeneral Kaahiye, isaga oo amar ku bixiyay in magaalada laga mamnuucay gaadiidka summad la’aan ah ama aan taarko wadan, amarkaas waxba lagama soo qaadin!!

April 15, 2016: Waxaa la  go’aamiyay in magaca gobolka laga dhigo Benaadir, Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi oo maalin kadib hadlayey aya sheegay inuusan magac badalin balse uu ku celiyey sidi hore ee loo isticmaalo jiray xiligii hore, ma jirto cid u hoggaansantay!

October 3, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Wasarada Gaadiidka Oo Amray In Gawaarida Ceymis Lagaliyo, amar kale oo November 30, isla sanadkaas soo baxay ayaa lagu joojiyay!

March 14, 2017: Shirkadaha biyaha iyo korontada waxaa la amray in aaney lacag ka qaadi Karin xeryaha barakacayaasha, arrintaas lama dhageysan!

May 9, 2017: Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu wargalinya wadayaasha gaadidka Muqdisho, kaasi oo ah in aan wadada, Laga Bilaabo KM0-KM4 lagu dhaqi karin Gawaarida, si la mid ahna aan la dhigi karin Gaadiidka, taasi dheg jalaq loola siin!

July 7, 2017: Gobolka Banaadir ayaa amray in lacag la’aan lagu geli-doono beerta nabadda, go’aan oo milkiilayaasha ku diideen, waa uu ka laabtay!

August 30, 2017: Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacag ay ku ganaaxi doonaan qof walbo oo gurigeeda ama xarunteeda ganacsi lagu hor arko qashin wixii ka bilawda 1-da September 2017, ilaa hadda qashinka waa sidiisii!

October 30, 2017: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya, ganaaxa waxaa laga dhigay Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000), laga fulin!

June 14, 2018: Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka, isaga oo July 3, baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay la galeen maamulladii isaga ka horeeyay, waa jug jug meeshaada joog!

June 19, 2018: Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa soo saaray ammar ku aaddan in la burburiyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhistay dhulalka hantida guud ee ku yaalla gobolka Banaadir!

July 3, 2018: Duqa Muqdisho ayaa amar uu soo saaray  03-da July 2018 ku faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan lo’da inay xafidtaan xoolahooda, isaga oo siiyay 2 todobaad, lo’da weli waa buuxdaa jidadka!

Dadka Muqdisho, ma fuliyaan ammarada gobolka Banaadir, waxaana muuqato kalsooni-darro iyo wada shaqeyn la’aan labada dhinac ah, taasi si looga gudbo, waa in gobolka Banaadir la yimaado Istiraatiijiyad maamulka lagu daadejinayo, oo la dhisayo gole deegaan, arrintaas oo wax weyn ka tari-doonta fulinta amarada gobolka iyo inay bulshada helaan adeeggii ay u baahnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com