War cusub oo kasoo baxay arrimaha xajka sanadkan iyo heshiis ay dan ugu jirto SHACABKA oo la gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – War cusub oo ku saabsan arrinta xajka ayaa soo baxay taasoo farxad gelin doonto dhammaan dadkii sanadkaan rabay inay xajiyeen kuwaas oo ku jiray xaalad hubanti la’aan ah.

Waxaa gababao ku dhow Dagaalkii ka dhashay xajka sanadkan kadib markii dowladda Somalia iyo shirkadda Jubba Airways ay isku qabteen leynka xajka, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan xajkii Soomaalida ee sanadkan inuu baaqdo.

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen sidii xajka sanadkan lagu aadi lahaa.

Dowladda Sacuudiga ayaa dalbatay in qoraal rasmi ah uu soo diro Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la soo xiriiray Xasan Cali Kheyre, waxayna u caddeeyeen inay ku wareereen qoraallada faraha badan ee uga yimid wasaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Waxaa rajo beel ku dhacday Shirkadaha Diyaaradaha ee Freedom Airline, Ocean Airlines iyo East Africa kuwaas oo rabay inay ka qeyb qaataan daabulka Xujeyda sanadkan, kadib markii ay u suurageli weyday inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay diyaaradaha xujeyda geeya Sacuudiga.

Jubba Airways ayaa qaaday Baasabooradii xujeyda si ay fiisooyin loogu soo saaro, waxaana lagu wadaa inay dhowaan shirkadda Daallo ay iyaduna qaado Baasaboorada, waxayna sanadkan u muuqataa inay labadaasi shirkadood ku ekaan doonto qaadista xujeyda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadka dambe rajo ka qabta inay gebi ahaan la wareegto arrimaha xajka, waxaan dagaalkii xajka ee dowladda iyo Jubba sanadkan ku dhammaaday iyadoo ay guushu raacday Jubba, balse dowladda ayaa sheegtay in wixii ka billowda sanadkan dambe ay ayada maamulu doono xajka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dadaal dheer ku bixisay sidii ay ula wareegi laheyd Xajka waxaana arrintaas ka dhalatay muran badan oo keenay in xilkii laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Waxay hadda u muuqataa inay howsha soo dhamaatay isla markaasna ay Soomaalida sanadkaan u suurtageli doonto inay aadaan xajka kadib maalmo badan oo la murugeysnaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com