Warbixin: R/W Abiy Ahmed oo damacsan tallaabo ka dhan ah CABDI ILEY (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) – War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu qorsheynaayo in safar maalmo qaadan doona uu ku tago magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu yahay mid salka ku haya macluumaad uruurin ku aadan dhanka shaqada maamulka.

Abiy Axmed, ayaa u kuurgali doona howlaha uu qabto maamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana xusid mudan inuu aad u dhaliilsan yahay shaqada maamulka.

Illo wareedyo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa inoo xaqiijiyay in Abiy Axmed uu wado qorsho isbedel loogu sameynaayo maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Illo wareedka ayaa intaa kusii daraya in Abiy Axmed uu doonayo in kursiga uu ka laalo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar si uu u helo kalsoonida ONLF.

Cabdi Maxamuud Cumar oo dareen ka qaba booqashada Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan cafis ka dalbaday shacabka Soomaalida Ethiopia, isagoo xaqiijiyay inay jiraan tabashooyin badan oo aan waxba laga qaban.

Dadka Soomaalida ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa qudhooda qaba dareen ku aadan in xil ka qaadis lagu sameynaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo aan iminka ku taagneyn caga wanaagsan.

Sidoo kale, waxaa jira hadal heyn ku aadan in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu doonaayo in kursiga uu hadda ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Cumar ku bedelo xubin ka tirsan ONLF, si dowlada Ethiopia ay jawi dagan shidaalka uga soo saarto dhulka Soomaalida oo la ciirciiraya shidaal.

Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa dhowr jeer Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku dhaliilay hakin la’aanta dagaalka Soomaalida kala dhexeeya Qowmiyada Oromada, waxaana la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com