Warbixin: Midowga Afrika oo go’aan lama filaan ah ka qaatay Ciidamada Burundi ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan deg deg ah oo ay yeeshen Taliska guud Ururka Midwoga Afrika ee AMISOM, ayaa waxaa go’aan looga gaaray Ciidamada Burindi ka jooga dalka Somalia.

Kulankaani ayaa waxa uu ka dhacay xarunta weyn ee ku taala magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta ugu sareysa Ururka.

Ururku wuxuu go’aan ku gaaray in la hakiyo ciidamada la doonaayay in loo soo daabulo dalka Somalia si ay u badalaan kuwa iminka jooga Somalia.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa lagu taageeray go’aanka Midowga Afrika ku hakiyay ciidamada Burundi ee la gayn lahaa Somalia.

‘‘Waxaanu taageersanahay go’aanka Midowga Afrika ku hakiyay ciidamadii Burundi ee la gayn lahaa dalka Somali anagoo garwaaqsanay in rabshadaha iyo xasilooni darada ka sii socota Burundi iyo waliba tacadiyada xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee ciidamada amnigu gaysanayaan inay wax udhumi karto awooda ee Burundi uga sii mid ahaan karto ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM,’’

Go’aanka ka soo baxay Midowga Afrika iyo Mareykanka ayaa yimid iyadoo wali dalka Burundi ay ka socdaan rabshado baahsan oo saameeyay dowladnimadi iyo sarayntii sharciga dalka Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com