Shirka Cadaado ka socda oo dhaliyay Khilaaf hor leh iyo maamulka Ximan iyo Xeeb oo la sheegay..

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u muuqdo mid ku kala qeybsamay dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo ka socda magaalada Cadaado.

Maalintii shalay Afhayeen u hadlay Maamulkaasi oo lagu magacaabo Careys Maxamed Xaaji ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Ximan iyo xeeb uu isaga baxay dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay arintaasi oo sheegay in waxba kama jiraan uu yahay hadalka kasoo yeeray afhayeenka Ximan iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay in hadalkaasi uu sheegay Careys Maxamed oo kaliya oo uusan ka soo bixin dhamaan qeybaha kala duwan ee maamulkaasi, wuxuuna cadeeyay in gogasha ay iyaga dhigeen marna aysan ka bixi doonin.

“Waa been hadalkaas anna gogasha ayaan dhignay mana ka bixi doono mana laga yaabo hadalka Careysna waa been Jawaabteeda ayuu heli doonaa”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb.

Hadalkiisa ayaa kala qeybinaya Ximan iyo Xeeb maadaama Careys iyo wasiiro qaar ay dhaliilsan yihiin dhismaha maamulka gobolada dhexe oo ay sheegeen iney la wareegtay wasaarada arimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com