Odowaa iyo Baarleex oo Muqdisho kasoo dagay

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb uu xilkii ka qaaday afhayeenkii maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji.

Madaxweynaha ayaa xil ka qaadista sameeyay isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado halkaasi oo uu maanta kasoo duulay.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado.

Afhayeenka ayaa xilkiisa ku waayay hadal uu shalay saxaafada siiyay oo ahaa in Ximan iyo Xeeb ay isaga baxday shirka maamulka loogu sameynayo maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Waxaa wararka ay sheegayaa in taasina ay khilaaf cusub ka dhex abuurtay maadaama maamulka uu labo u kala jabay.

Qaar kamid ah wasiirada maamulkaasi iyo Careys ayaa isku fikir ka ah in maamulka gobolada dhexe ay faragelin toos ah ku heyso wasaarada arimaha gudaha.

Halka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay arimahaasi kasoo horjeedaan, afhayeenka xil ka qaadista lagu sameeyay ayaanan wali ka hadlin.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com