Midowga Afrika: Al-Shabaab ayaa la wareegi doonta Soomaaliya haddii aan…

Muqdisho (Caasimada Online)  – Midowga Afrika ayaa markii u horeysay sheegay in Soomaaliya ay la wareegi karto kooxda Al-Shabaab haddii aan wax laga qaban dhaqaale xumo baahsan oo soo foodsaartay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika Danjire Bankul Adewe ayaa sheegay in ku dhawaad 20-kun oo askari oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawi karin, haddii aan dhaqaale loo helin.

“Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howl-galaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in Al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe.

Danjire Adewe ayaa xusay in sababta ugu muhiimsan ee dhibaatada dhaqaale ee howl-galka ATMIS ay tahay lixdan milyan oo doolar oo Midowga Yurub ka dhimay maalgelinta uu bixin jiray sababo la xiriira wax uu ugu yeeray “danaha iska soo horjeeda.”

Adeoye ayaa ka qayb-galay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb-galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS.

Waxa uuna rejo ka muujiyay “in dhamaan dalalka ay gacan ka geysan doonaan buuxinta farqiga dhaqaale ee $89 milyan ah,” gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Hadalka Adewe ayaa imanaya xilli uu dalka ka socdo dagaal xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, islamarkaana ay saameyn muuqata ku laheyn dagaalkan ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.