Ciidamada Talyaaniga oo badbaadiyay in ka badan 700 tahriibayaal iyo 33 kale oo…

Rome (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 750 tahriibayaal ah labo howl-gal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Waxaa lasoo wariyay inay ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen badda, halka 33 kalena weli lagu la’yahay.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ilaa 295 qof laga soo badbaadiyay doon kalluumeysi oo lagu qabtay meel 167 km u jirta xeebta bari ee gobolka Calabria.

Sidoo kale waxaa qiyaastii 450 kale laga soo badbaadiyay markab kale oo kalluumeysi oo 185 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Syracuse ee koonfurta Sicily ee dalkaasi.

Howlaha samatabixinta muhaajiriinta ee Talyaaniga ayaa isha lagu hayay tan iyo bishii Febraayo 26-keedii kadib markii markab ku degay meel u dhow xeebta Calabria ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof, 10 kalena la la’yahay.

Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan, cimilo xumo awgeed.

Laakiin siyaasiyiinta iyo hay’adaha samafalka ayaa su’aal ka keenay sababta maraakiibta Ilaalada Xeebaha, oo u diyaarsan howlgallada badan aysan u soo badbaadin muhaajiriintan.