Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabab

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda amniga guud iyo dagaalada dib-u-xoraynta ee ka socda inta badan deegaanada Jubbaland, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa bogaadiyay howl-galada socda, iyaga oo ugu baaqay shacabka ree Jubbaland inay garab istaagan ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu golahu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo hay’ada wadooyinka Jubbaland, kaas oo ay soo gudbisay wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta, islamarkana dhawaan loo gudbin doono baarlamaanka.

Kulanka Golaha ayaa waxay wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ku soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ciidamada iskaashanaya howl-galo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 28 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.

Howl-galadaasi ayaa sidoo kale waxay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ku furteen hub kala duwan, islamarkaana lagu burburiyay xarumo ay ku dhuumaleysanayeen xubno badan oo Shabaab ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanka.