Wararkii ugu dambeeyey isu soo dhowaanshaha dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa taleefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kulmaan “dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas maanta sheegtay Riyadh.

Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan, ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna labada mas’uul “ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadan” oo maanta ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay twitter-ka.

“Labada wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowaan yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in kulanka la filayo ee wasiirada uu yahay tallaabada xigta ee heshiiskii lama filaanka ahaa ee lagu dhowaaqay 10-kii March, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China, si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasi kadib 7 sano oo uu go’naa.

Riyadh ayaa xiriirka jartay kadib markii dibad-baxayaal Iranian ah ay weerareen safaaraddeeda 2016-kii kadib markii Sacuudiga ay xukun dil ku fuliyeen wadaad shiico ah oo lagu magacaabay Nimr al-Nimr.

Heshiiska ayaa dhigaya in Sacuudi Carabiya iyo Iran ay dib u furaan safaaradaha laba bil gudahood, islamarkaana la dhaqan-geliyo iskaashi amni iyo mid dhaqaale oo la saxiixay 20 sano kahor.

Axaddii, sarkaal Iranian ah ayaa sheegay in madaxweyne Ebrahim Raisi uu casuumad uu ku booqdo Sacuudiga ka helay Boqor Salman, inkasta oo Riyadh aysan weli xaqiijin.

Heshiiska Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Reer Galbeedka sababo la xiriira barnaamijeedka Nukliyeerka, ayaa suurta-gal ay tahay inuu dib u qaabeyn ku sameeyo xiriirada gobolka oo dhan.

© AFP, VOA