Midowga Mareexaan iyo Murusade ma yahay madasha nabadda?

Kaaha muuqanaayaa, kii nabadda weeyaan, Alloow inagu kaalmee, Kariimkoow na gacan qabo, oo isku fur kashka Soomaalida. Intaasi waa ducada aan ku furaneyno faalladeena.

8-dii bishaan Febraayo, shacabka Soomaaliyeed waxay ku asteysteen maalin taariikhi ah, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu doortay Madaxweyne la aaminsan yahay inuu ka dhabeyn karo riyada dadka Soomaaliyeed oo dhan, dhisi kara dowlad xoogan oo Somalia ah markale, waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

54 sanno jirkaan kasoo jeeda beesha Mareexaan, wuxuu degay quluubta shaqsi kasta oo Soomaali ah markii uu qabtay shaqo aysan cidna inkiri karin intii uu hayey talista Wasiirka Koowaad ee dowladdii Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Hase yeeshee, wuxuu ku fashilmay doorashadii 2012kii uu ku guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud markaasoo uu miiska loolanka doorashada ka qaatay codad aad u yar.

Afar sanno ka dibna wuxuu soo laabtay isagoo ka diyaarsan sidii hore, wuxuuna ku guuleystay Doorashadii lagu qabtay Muqdisho, taasi waxay farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo dibad-baxyo waa weyn ka dhigay caasimadda iyo gobollada dalka. Qaabka ay shacabku usoo dhoweeyeen Farmaajo waxaa loo soo qaadan karay tusaale adduunka uga filan inuu dalka dhaca Geeska Africa helay Madaxweynihii uu u baahnaa.

15 cisho ka dib wuxuu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha dowladdiisa isagoo jagadaan u boqray Xasan Cali Kheyre, oo ah 49 sanno jir, beel ahaan Murusade kasoo jeeda, waana markii ugu horreysay ee ay Murusade helaan xilka labaad ee ugu sarreeya Somalia.

Shacabka, Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Somalia iyo kooxo kale ayey lama filaan ku noqotay qaabka uu Farmaajo u qadiyey labada beelood ee Abgaal iyo Habar-gidir sababtoo ah midkood labadaan beelood ayaa laga filaayey kursigaan. Balse Farmaajo isbedel ayuu doortay, sidii uu ololihiisu ahaaba.

Tani waxay ka dhigan tahay in labada jago ee dalka ugu sarreeya ay ku midoobeen Mareexaan iyo Murusade, Farmaajo waa madaxweynihii labaad ee Mareexaan ah ee ka taliya Madaxtooyada tan iyo Maxamed Siyaad Barre oo xilkaan hayey muddo 21 sanno ah. Wuxuuna Wasiirka Koowaad ee dowladdiisa ka dhigtay shaqsi aan lagu aqoon siyaasadda dalka, sidoo kalena ay beeshiisu ku cusub tahay booska loo igmaday waana Mudane Kheyre.

Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Somalia ayaa aaminsan in go’aanka Farmaajo uu inta badan xiriir la lahaa qaabkii ay xilkaan isugu qoonsadeen Abgaal iyo Habar-gidir, isaguna wuu ka dhex bixiyey jagadaan. Si kale haddii loo macneeyo, dad badan ayaa aaminsan inaan la qaban laheyn wixii la qaban waayey 25kii sanno ee ugu dambeysay oo labadaan beelood uusan midkoodna ka qadin labada kursi ee dalka ugu sarreysa maamuladii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Kheyre waa Soomaali inta badan noloshiisa kusoo qaatay dalka Norway, waa ganacsade qurbajoog ah. Waxa ugu horreeya ee laga dhowri doono waa inuu noqdo Wasiir Koowaad oo aan muran iyo dagaal hoose la gelin Madaxweynihiisa, taasoo keeni karta Mooshin iyo Madax Wareer siyaasadeed oo uu dalku galo.

Odoroseyaasha ayaa aaminsan in Farmaajo uu u baahan yahay inaan lagu farogelin afarta sanno ee maamulkiisa, gudaha ama dibadda si uu ugu guuleysto inuu dhanka kale u rogo Sawirka Dowladnimo Xumo ee Soomaalida ka yaalla dunida, haddii uu sidaas la qaato Kheyre ma laga yaabaa inuu Midowga Mareexaan iyo Murusade noqdo madasha nabadda Soomaaliya.

Haa, rajadu ma xuma marka laga fiirsho dhinacyo badan. Waa marka koowaade haddii la waayo muran iyo mooshin.

Waa marka labaade, haddii la waayo farogelin iyo fowdo debedda ah, oo Farmaajo iyo maamulkiisa looga leexdo inay sameeyaan waxa la habboon illaa 2021ka.

Waa marka seddexaade, haddii ay Soomaalida oo dhan u hugaansanto isbedelka dhacay, jidka cusub ee lagu joogo isla markaana ay wadaniyaashu maankooda geliyaan in aysan jirin cid u dhiseysa maamul dowladeed oo u marag la’aan meel ugu fadhisa Soomaaliya.

Kuna darso, dowlad kasta oo dunida ah ayaa qaab beeleed iyo xeerar u gaar ah ku qeybsata xukun awoodeedka, oo qabyaaladda Soomaalida kuma koobna, balse waxay ina dheer yihiin beesha ama xisbiga aan xilalka sarre heyn markasta waxay shaqo daacad ah la garab istaagaan dowladda markaas xukunka heysa… waana arrin ay tahay inay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalidu ku daydaan.

Waxaan sidoo kale la iska indhotiri karin jaceylka shacabka u muujiyeen isbedelka dhacay iyo sida nabadda loogu bisil yahay Soomaalida oo dhan ka dib 26 sanno oo cid kasta ay gurigeeda ku aragtay natiijada ay leedahay dowlad la’aantu.

Waxaa naga xusuusin ah inuh Kheyre u baahan yahay taageerada Golaha Shacabka ama inay ansixiyaan Baarlamaanku ka hor inta uusan soo dhisin Xukuumaddiisa. Balse ifafaale wanaagsan iyo soo dhoweyn heer sarre ah ayuu helay, iyadoo inta badan Maamul Goboleedyada dalku ay taageero u muujiyeen kasoo biloow Puntland illaa Jubbaland, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay Baarlamaanka inay Codka Kalsoonida siiyaan.

Ugu dambeyntii, waxaa la aaminsan yahay in midowga Mareexaan iyo Murusade uu noqon karo madasha nabadda Soomaaliya…

Aragtidaada saliimka ah waad nagu kordhin kartaa akhriste.

W/Q: Cabdi Mahad Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid