Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Farmaajo laga mamnuuco inuu xil dambe qabto hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn walaac xoog leh looga muujiyey xaaladda nololeed iyo wararka la xiriira dhalinyaradii tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea, kuwaas la sheegay in ay qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

“Wararka la xiriira joogitaanka dhalinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas. Sida lawada ogsoon yahay waxaa dacwado soo jeediyey waalidiinta dhalinyaradaas oo ka codsaday madaxda dowladda in xaaladda ubadkooda ay ka hadlaan, xaqiiqda jirtana la wadaagaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka Midgowga Musharaxiinta.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureeystay oo diiday inuu shacabka Soomaaliyeed ka jaahil bixiyo eedeeymahaas.

“Isagoo ka welwelsan dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aaddan arrintaan ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble magacaabay guddi loo wada arkay magac-u-yaal oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintaan cadeeymahoodu soo kordhayaan maalin walba, gaar ahaan markii ay ciidamada Tigrey dib u qabsadeen deegaanadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeedkaan shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen fashil iyo ku takri fal awoodeed ay ka hor istaagaan in mar kale uu isku soo sharaxo xilka iyo inuu mas’uuliyad dambe dalkaan ka qabto.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka, 1- inuu iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrada ku joogo, 2- in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, iyo 3- in Farmaajo laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar dambe ka qabto dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta.