Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray kuraasta G/Banaadir iyo shirka Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed xasaasiya oo ka kooban 6 qodob, oo ay uga hadlayaan shirka la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Golaha ayaa ugu horeyntii cambaareeyay weerarkii ay shalay argagixisada ka fuliyeen hotel Afrik, kaasi oo sababay dhimashada dad gaaraya 9 ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay isugu jiray Saraakiil, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Musharaxiinta Mucaaridka ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan ay muhiim tahay in dalka ka qabsoomto doorasho wadar-ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, isla markaana la tixgelinayo kala duwanaashaha ku aadan meel-marinta heshiiska doorashada.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xallinta caqabadaha ku hor gudban meel-marinta heshiiskii 17-ka Sept. Maadama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fogyahay, aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.  

Waxay si wada-jir ah ugu baaqeen dhinacyda ka qeyb-galeysa shirkaas in la ballaariyo gogasha shirka, kana qeyb-galaan wakiillo metalaya saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiska doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku kala sheegen; Wakiiladda gobolada waqooyi, gaar ahaan Cabdi Xaashi, Midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka ee la aqoonsan yahay.

Qoddobada ay soo saareen Midowga musharaxiinta ayaa waxay kala yihiin:

1: In la baallaariyo gogosha shirka kana qeyb-galaan Wakiilada metelaya saamileyda tabashada ka qaba hirgelinta heshiiska doorashooyinka kuwaas oo kala ah, wakiilada gobolada Waqooyi, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka sare oo ah mas’uulka ugu sareeya siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland, Midowga Musharixiinta Madaxweynenimo iyo Bulshada rayidka ah ee la aqoonsan yahay.

2: In shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqbadaha ku hor-gudban meelmarinta heshiiskii 17-kii Septemer, maadaama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fog yahay aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo.

3: Goluhu wuxuu arkaa in ay xaq dastuuri ah tahay in gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare, laakin ayna nasiib darradu tahay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay u kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheeynaayo Bulshada Soomaaliyeed.

4: Goluhu wuxuu uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu shirka ka dhex abuuro khilaaf horleh, si uu marmarsiiyo uga dhigto dib u soo nooleynta damiciisii muddo kororsiga ahaa, goluhu wuxuu cadeynayaa in muddo xileedkii Hay’adaha dastuuriga ee dalka uu dhamaaday, marka laga reebo, xilheynta Madaxweynaha oo ay todobaad ka harsan tahay, sidaa daraadeed goluhu marnaba ma aqbalayo muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha markii uu muddo xileedkiisu idlaado.

5: Goluhu wuxuu Shirka dhuusamareeb u arkaa fursadii ugu dambeeyay ee dalka looga badbaadin karo xasilooni darro iyo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo in todobaadka xilkiisa ka harsan uu muujiyo xilkasnimo iyo mas’uuliyad xal loogu heli xaalada cakiran ee siyaasadda dalka, sooyaalka taariikhdiisa dambana sumcad darri kaga badbaadiyo.

6: Goluhu wuxuu saaxiibada Soomaaliya kaga mahad celinayaa kaalinta ay ka qaateen xal u raadinta ismarin-waaga doorashooyinka iyo sida joogtada ah ee ay mar walba Soomaaliya iyo dakeeda u barbar taagan yihiin.