Sawirro: Midowga Yurub oo ballan qaad cusub maanta u sameeyay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadallo cusub magaalada Muqdisho la yeelatay Ururka Midowga Yurub, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinteeda.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii qaabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Karin Johansson, ayaa kala hadashay arrimo ku aadan xoojinta iskaashiga dhinaca duulista oo uu ballan qaaday Midowga Yurub.

Kulanka kadib danjiraha Midowga Yurub ayaa booqasho ku tegtay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa danjiraha Midowga Yurub warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee Hay’adda oo horumarradii u dambeeyay ay gacan ka gaysteen xaqiijinta bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya iyo gobolka.

“Horumaradii u dambeeyay ee qalabka iyo khibrada howlwadeennada waxay sare u qaaday kobaca dhaqaalaha dalka iyo bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray xoojinta iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada duulista rayidka ay gacan ka gaysanayso sare u kac ku yimaada horumarka adeegga Duulista Soomaaliya.

Adeegga Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku jira hannaan horumarin ah ayaa ka faa’iideysanaya khibrada iyo aqoon iswaydaarsiga uu la yeelanayo ururrada caalamiga ah iyo dalalka horumarka ka sameeyay adeegga duulista.

Iskaashigan uu Midowga Yurub la yeelanayo Soomaaliya ayaa ah mid quseeya khibrad wadaag iyo horumarinta xirfadaha howlwadeennada hay’adda duulista rayidka.