Sawirro: SOOMAALIYA oo maanta laga daah-furay biyo xireen aad u ballaaran

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka HirShabelle laga daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.

Mashruucan ayaa waxaa si wada-jir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu waxtar u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka, islamarkaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabigu.

“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ku-simaha ra’iisul wasaaraha Saalax Axmed Jaamac.

Mudane Saalax ayaa uga mahad-celiyey dowladihii iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax-soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed.