Midowga Yurub oo eedeyn u jeediyay DF kana walaacsan go’aankii ay qaadatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay mustaqbalka howl-gallada ka dhanka ah burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, kadib go’aankii ay dowladda federaalka ku gaartay in lasoo gabe-gebeeyo.

Howl-galadan ayaa waxaa ka mid ah howl-galka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Soomaaliya, Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika ee uu hoggaamiyo Maraykanku, iyo Hawlgalka NATO ee Badweynta Shield.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa December 2021 saddex bil oo ku eg March 2022 ku kordhiyay howl-galka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida oo socday sanadihii lasoo dhaafay si loo soo afjaro weerarada qafaalka Maraakiibka Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska oo kooxahaan ay ka heleen dhaqaale badan.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa waxay qabaan in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku filnayn xasilloonida gobolka, ayaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inaysan ka go’neyn sii wadida howl-galada caalamiga ah ee ciidamada badda.

Sidoo kale waxay ku doodayaan haddii la kordhin waajibaadka howl-galka ilaalada badda Soomaaliya ay wiiqi doonto awoodda EU NAVFOR ee hawlaha la dagaallanka burcad-badeedda ee gobolka.

Waxaa la rumeysan yahay in soo gaabinta howl-galka ka dhanka ah burcad-badeedda ay ka dambeyso kadib markii ay hoos u dhaceen weerarada burcad-badeeda Soomaalida.

Mudada kooban ee lagu daray ayaa lagu macneeyay inay tahay mid lagu qiimeynayo xaaladda Soomaaliya oo ku xiran ilaalinta dhanka Bariga oo Burcaddu kasoo abaabusho qorshaha qafaalka Maraakiibta, taasi oo uu ka horyimid Midowga Yurub.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa ku doodaya in muda kordhinta loo sameeyay howl-galka aysan ku filneyn xasiloonida gobolka, inkasta oo la warinayo inay hoos u dhaceen weerarada burcad-badeeda Soomaalida.