Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay agagaarka Afisyoone ee wadada 21-ka October taariikhda markey aheyd 12-kii Janaayo 2022.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas fuliyey Maxamed Aadan Gureey, oo sidoo kale loo yaqaanay Siciid, kaasi oo kasoo jeeday Beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Dirisame.

Maxamed oo ahaa 44 Jir ayaa dhashay sanadkii 1977, wuxuuna ku dhashay degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu kusoo barbaaray kuna soo hanaqaaday, sida lagu sheegay qoraalka warbaahinta Al-Shabaab.

Wuxuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray sanadkii 2011, wuxuuna iska diiwaan geliyey garabka Jabhadda ka hor inta uusan ku biirin qeybta qaabilsan is qarxinta.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Si kastaba, QM ayaa beenisay in shaqaalahooda ama qandaraasleyaashooda la beegsaday.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Si ka duwan warbixinada horudhaca ah qaarkood, ma jirin shaqaale ama qandaraasleyaal QM ah oo la socday kolonyadii lagu beegsaday qaraxii is-miidaaminta ee horaantii maanta ka dhacay Muqdisho.”