Midowga Yurub oo qaaday tallaabo dowlada Kenya ku qasbaysa in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadkan wuxuu aad u dhimayaa lacagaha uu magdhaw ahaanta usiiyo dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, sida uu qoray wargeyska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in wasaaradda Maaliyadda Kenya ay dhintay miisaaniyadda Ciidamada dowladda taas oo laga fahmi karo in Kenya ay billaabeyso la bixidda Ciidankeeda jooga Soomaaliya.

Kenya ayaa sida uu sheegaya wargeyskani waxa ay fileysaa in Midowga Yurub ay ka hesho ku dhawaad 49.5 milyan oo doolar, lacagtaa oo u dhiganta mid boqolkiiba 41.17 ka yar lagactii magdhaw ahaan Kenya loo siiyay sanadkan, taa oo gaareysay 84.12 milyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa la filayaa in laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadka 2020-ka, Midowga Yurub uu lacagahaasi gaarsiin doono 34.65 milyan oo doolar, iyadoo sanadka xigana la gaarsiinayo 29.69 milyan oo doolar.

Dowladda Kenya ayaa sanadkan Midowga Yurub ka dooneysa lacago badan oo magdhaw ah marka loo eego kharashkii loo qoondeyay afartii sano ee la soo dhaafay.

Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa toddobadii bilood ee la soo dhaafay Midowga Yurub ka heshay lacago magdhaw ah oo ka dhigan boqolkiiba 44.2 kharashkii dowladda Kenya ay sanadkan u qoondeysay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya.

Kenya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari kuwaas oo 2011kii oggolaansho la’aan soo galay Soomaaliya, sanadkii 2012kiina ku biiray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

Caasiimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com