Brussels (Caasimada Online) — Kadib laba sano oo uu jiray cagajiid iyo diidmo dadban, Midowga Yurub ayaa ugu dambeyn muujiyay inuu diyaar u yahay maalgelinta ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (AUSSOM).
Tallaabadan oo muujinaysa “sii socoshada taageerada” ayaa ah astaantii ugu caddeyd ee tilmaamaysa in ururka uu dib u la wareegayo doorkiisii ahaa maalgeliyaha ugu weyn, taas oo rajo u noqonaysa hawlgalka dhaqaale xumadu daashatay ee xilligan kala-guurka ah.
“Waxaa naga go’an xaqiijinta sii socoshada taageerada Midowga Yurub. Hab-raaca rasmiga ah iyo faahfaahinta xirmada taageerada waxaan shaacin doonnaa marka lasoo gabagabeeyo,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Midowga Yurub oo u warramayay wargeyska The EastAfrican, mar wax laga weydiiyay in taageeradu ay tahay mid hal sano ah ama ay daboolayso muddada shanta sano ah ee hawlgalka.
In kasta oo Midowga Yurub uusan weli bixin qaaraan dhaqaale oo ku aaddan hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee sanadka 2025, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii u dambeeyay ee dhex maray saraakiisha farsamada ee Brussels iyo Midowga Afrika ay yihiin kuwo rajo wanaagsan leh.
“Baaxadda iyo cadadka taageerada waxaa ka wada-hadla, iskuna raaca 27-ka Dal ee xubnaha ka ah Midowga. Waxaan ku dhawaaqi doonnaa marka heshiis buuxa laga gaaro xirmada guud,” ayuu yiri afhayeenka.
Dokumeentiyo horyaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in la filayo in Midowga Yurub uu ku dhawaaqo maalgelinta AUSSOM horraanta sanadka 2026.
Sanadkan, taageerada Brussels ee Soomaaliya waxay u badnayd gargaar bani’aadannimo, iyadoo gaartay €67.33 milyan — taas oo ka yar €82.16 milyan oo ay bixiyeen sanadkii 2024.
Xaaladda amniga iyo caqabadaha jira
Taageerada maaliyadeed ayaa ah mid lama huraan ah xilli Soomaaliya ay wajaheyso caqabado amni oo kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab. Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group) ayaa ka digtay in hoos u dhaca ku yimid kharashaadka amniga iyo horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah, sida Maraykanka, ay wiiqi karto difaaca Soomaaliya.
Tusaale ahaan, 4-tii Oktoobar, maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku ekeysiiyay ciidamada amniga ayaa weerar ku qaaday xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, oo ku dhow madaxtooyada. Sida ay werisay hay’adda xogta colaadaha ee ACLED, xabsigaas waxaa ku jiray xubno ka tirsan kooxdaas xiriirka la leh Al-Qaacida iyo maxaabiis kale oo khatar ah.
Intii u dhaxaysay bilaha Juun iyo Oktoobar, hawlgallo wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta Afrika ayaa lagu gaaray guulo wax ku ool ah, iyadoo Al-Shabaab laga qabsaday saddex magaalo oo istiraatiiji ah.
Hase yeeshee, dadka fallanqeeya amniga ayaa sheegaya in kooxda ay weli ku dhuumaalaysanayso masaafo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta Muqdisho, isla markaana ay maamusho qaybo badan oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.
Muranka maalgelinta iyo doorka Maraykanka
Dadka dhaliila siyaasadda Brussels ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub inay “daawanayeen” xilli hawlgalka Afrika uu la daalaa-dhacayay dhaqaale xumo, kadib markii Maraykanku uu diiday inuu taageero qorshihii ahaa in hawlgalka laga maalgeliyo qaaraanka Qaramada Midoobe, iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2719.
Qaraarkan oo la ansixiyay 2023, wuxuu higsanayay inuu daboolo 75% miisaaniyadda shanta sano ee AUSSOM oo dhan $832.5 milyan, taas oo noqon lahayd isha ugu waarta ee dhaqaalaha, iyadoo Midowga Afrika laga rabay inuu inta dhiman ka raadiyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa soo baxay deeq-bixiyeyaal cusub. Dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u bixiyay $4.5 milyan. Bishii Sebteembar ee sanadkan, Talyaaniga iyo Spain ayaa iyaguna ballanqaaday min $1 milyan.
Qaaraanka ugu weyn ee lacageed waxaa bixiyay dowladda Ingiriiska — oo ah qalin-hayaha arrimaha Soomaaliya — taas oo bishii Sebteembar ku dhawaaqday $22 milyan, halka Midowga Afrika uu Sanduuqiisa Nabadda (Peace Fund) kasoo saaray $20 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, tiradaani waxay weli aad uga hooseysaa miisaaniyadda sanadlaha ah ee hawlgalka oo gaaraysa $166.5 milyan.
Dano gaar ah iyo siyaasadda Khaliijka
Iyadoo lagu guda jiro raadinta deeq-bixiyeyaal cusub, dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa markii hore taageeray hawlgalka — oo ay ku jirtay yaboohii Qadar ee ahaa inay martigeliso shirkii deeq-bixiyeyaasha ee Dooxa, kaas oo markii dambe fashilmay.
Sida wararku sheegayaan, waddamada Khaliijka ayaa tan iyo markaas ka gaabsaday taageerada tooska ah ee AUSSOM.
Beddelkeeda, dalalkan ayaa haatan doorbiday inay xiriir toos ah iyo mid laba-geesood ah (bilateral) la yeeshaan dowladda Muqdisho. Qatar iyo Imaaraadka ayaa dano dhaqaale ka leh tamarta iyo kaabayaasha Soomaaliya, halka waddamada kale ee Khaliijka ay leeyihiin dano istiraatiiji ah oo ku aaddan amniga badaha, si loo sugo xeebta dheer ee Soomaaliya oo dhererkeedu yahay 3,330 kiiloomitir.
Warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu qoondeeyay €60 milyan oo loo kala qeybinayo hawlgalka AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadalladii u dambeeyay awgood, Brussels ay ka fiirsanayso inay soo bandhigto shax dhaqaale oo cusub.
Tani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Brussels ee labadii sano ee lasoo dhaafay.
Midowga Yurub ayaa horey ugu hanjabay inuusan maalgelin doonin hawlgal cusub oo Soomaaliya laga sameeyo haddii aan deeq-bixiyeyaasha kale si caddaalad ah ula qeybsan culeyska miisaaniyadda hawlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

