Midowga Yurub oo Xasan Sheekh u fasaxay lacagtii laga xayiray FARMAAJO

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dowladda federaalka ah Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo looga jawaabayo markii dowladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Midowga Yurub dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Annette Weber soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa noqotay mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara Soomaaliya tan iyo burburkii kadib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.