Taageerayaasha Rooble oo xeelad nooc cusub ah uga adkaanaya kuwa Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si weyn u xoogeystay dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dagay Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo hadda u muuqda inuu weji kale yeeshay.

Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Farmaajo ee baraha bulshada looga yaqaano CBB ayaa maalmihii ugu dambeeyey sii xoojiyey aflagaadada ay u geysanayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dagaalkaan soo billowday markii uu qarxay khilaafkii Farmaajo iyo Rooble.

Taageerayaal u badan xubno kasoo jeedo Somaliland, Sool iyo Soomaalida Kenya oo u muuqda inay yihiin kuwa abaabulan ayaa si joogta ah u aflagaadeeya Rooble tan iyo markii uu Rooble ku guuleystay inuu joojiyo doorashada kursigii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Taageerayaasha Rooble oo ay ka muuqato caro weyn oo ay ka qaadeen aflagaadada lagu hayo Rooble ayaa waji kale u sameeyey dagaalka kadib markii ay billaabeen inay xubnaha ugu waaweyn CBB ay dhimasho uga diiwaan geliyaan akoonadooda Facebook si loo xiro, taasi oo ay ku guuleysteen.

Dagaalka ayaa waxaa laga billaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka amniga Cali Yare Cali oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha CBB, waxaana loo diiwaan geliyey dhimasho sidaas ayaana lagu xiray akoonkiisii Facebook.

Sidoo kale waxaa shalay dhimasho hawada looga saaray boggii Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah shaqsiyaadka baraha bulshada uga caytama Farmaajo kadib markii ay Facebook kusoo qortay qoraalo lagu aflagaadeenayo looguna gefayo Rooble.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa weli ku guuleysan la’ inay soo celiyaan akoonada la xiray.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa horey looga bartay inay dadka kasoo horjeeda akoonada Facebook ka xiraan, balse waxaa hadda muuqato in looga adkaanayo dagaalka baraha bulshada ka socdo maadaama lala yimid nashqad middooda ka duwan.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kooxda Farmaajo u arkayeen cadowgooda koowaad, waxayna taas keentay inay baraha bulshada ka billaabaan aflagaado loo geysanayo madaxweynaha cusub iyo xubnaha la safan.