Miisaaniyadda G/Baanadir oo la kordhiyey xilli aan wax adeeg loo qaban shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa saxiixay Miisaaniyadda cusub ee gobolka Banaadir, waxaana kulan ka qeyb galay Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir. Waxaa sidoo kale ku sugnaa Taliyaha ciidamada Boooliska Soomaaliyeed.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ayaa noqoneysa $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

29-kii Disembar ee sanadkii hore ayaa shir sidan oo kale ah lagu sheegay in lagu ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose taasoo ahayd $32, 977,123, laakiin ma jirin xisaab xir la sameeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo aan lahayn Gole degaan oo la soo doortay, madaxdiisuna ku timaado magacaabidda Madaxweynaha Soomaaliya ayaanay jirin cid og halka ay ku baxdo lacagta soo gashee ay canshuur ahaanta uga qaadaan shcabka iyo isla xisaabtan midna, waana hay’adda kaliya ee miisaaniyadeeda ay ansxiyaan Madaxda iyo shaqaalaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 uu ku howlgeli doono Maamulkiisa.

Miisaaniyadda sanadkan 2021 ayaa ku korortay illaa afar milyan, waxaana miisaaniyadda sanadkii 2020 ay aheyd $32,977,123.

Sase ahaatee Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa warbixintii sanadka 2019 ee dhowaan soo baxday wuxuu ku caddeeyay in dhaqaalaha Gobolka Banaadir kasoo gala Dekadda Muqdisho ee ku dhaca Akoonada (717 iyo 1007) ee Maamulka Gobolka Banaadir laga bixiyay lacag dhan US $1,713,213, taasoo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wax adeego bulsho ah oo la taaban karo u qaban shacabka Muqdisho oo dhaqaalaha ugu badan uu maamulka ka helayo.