R/W ROOBLE oo farriin u diray mucaaradka + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeedba inay is dejiyaan, diyaarna uu u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta geedi-socodka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaan diyaar u ah inay yimaadaan qof kasta oo daneynaya ama cabasha qaba, oo aan cabashadooda xaliyo, haddii ay ahaan laheyd doorashada, mid guud iyo mid gaar ahaaneydba.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa is dejiya, aniga oo masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan inay jirto.”

Rooble ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray inay is dejiyaan, isla-markaana uu xafiiskiisa u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka.

“Sidoo kale waxaan leeyahay dadka walaalahayaga oo tabaya ama qaba cabasho ku saabsan arrimaha doorashada in uu u furanyahay xafiiskeyga, albaabkeyga iyo wejigeyga, diyaarna aan u ahay inaan idin qaabilo. Anigoo diyaar u ah sidoo kale cabashadiina inaaan tixgeliyo, idinkala fadhiisto oo aan xal waara ka gaarno, waxaan leeyahay is dejiya.” Ayuu yiri Rooble.

Hadalka ka soo yeeray Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli Golaha Midowga Musharaxiinta ay Arbacadii si weyn uga horyimaadeen Jadwalka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal, ee ay soo saareen Guddiyada Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Hoos ka daawo Rooble