Sawirro: Axmed Madoobe oo gaaray Garoowe + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Axmed Madoobe oo ka amba-baxay Kismaayo ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhoweeyey dhiggiisa Puntland Deni & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la xiriira ka qeybgalka shirka madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo oo looga hadlayo sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sidoo kale waxaa hada Garoowe ku sugan madaxweynaha Galmudug, guddoonka labada aqal, qaar ka mid ah musharraxiinta mucaaradka oo iyana ka qeyb-galaya shirkaasi.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Shirka madasha aragti-wadaagga ee sanadlaha ah ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.