Mahad Salaad oo weeraray xubnaha Hawiye ugu jira DF ee taageersan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, doorashooyinka 2021 iyo muddo xileedka baarlamaanka oo shalay ku ekaa.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in 40 cisho oo kaliya ay u hartay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, islamarkaana aanu weli dalka u jiheyn doorasho, wuxuuna weerar ku qaaday xubnaha Hawiye ee taageersan madaxweynaha.

“Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Villa Somalia, gaar ahaan madaxweynaha uu  damacsan yahay inuu kaligiis isku caana shubo, dalkana uu geliyo qalalaase xoogan.

“Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxda Villa Somalia, wuxuuna yiri “Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Lkn waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!”

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo weli uu is mari-waa u dhexeeyo dowladd  iyo mucaaradka ka taagan yahay doorashooyinka dalka.