Ubax Maxamed Yaxye oo la kufsaday, kadibna la gowracay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka meydkeeda laga helay Ubax Maxamed Yaxye oo saacadihii lasoo dhaafay ka maqneyd reerkeeda.

Marxuumadda ayaa la waayey gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay duleedka degmadaasi ka doontay qoryo ay dab ku shidato, sida sheegeen ilo deegaanka ah, balse barqanimadii maanta ayaa meydkeeda laga helay isla duleedka magaalada Caabudwaaq.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ka hor dilka marxuumadda loo geystay fal kufsi ah, kadibna la gowracay.

Ubax oo lahayd uurka ilmo saddex bilood ah ayaa ku nooleyd xaafadda Ammaano oo ka tirsan degmada Caabduwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay baaritaan ku aadan dhacdadaasi, iyaga oo sidoo kale baadi goob ugu jira raggii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ah.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka oo maanta si aad ah u hadal haya falka dilka iyo kusfiga ah ee loo geystay marxuumad Ubax Maxamed Yaxye.

Ma’ahan dhacdadani mid ugub ah, iyadoo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay siyaabo kala duwan uga dhaceen falal arxan darro ah, waxaana ugu dambeeyey dhacdadii Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho e caasimada Somalia.