Militariga Mareykanka oo war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadashay xiisada siyaasadeed ee dalka, taasi oo kasii dartay shalay kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu awood ciidan u adeegsaday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku baaqday in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaan aan ciidamada qaranka laga leexin dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

“Waxaan ku baaqaynaa in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, Ciidamada Soomaaliya waa inay diirada saaran khataraha amni ee geysanayaan kooxaha argagixisada ah ee ugaaesada shacabka aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa qaarkood xilligan ku milmeen arrimaha siyaasada dalka, ayada oo madaxweynihii hore ee dalka uu dhowr jeer u adeegsaday dano gaar ah iyo abuurista xiisado hor leh.

Qoraalka AFRICOM ayaa imanaya xilli ay dowladda Mareykanka si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegtay in uu tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: