Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Farmaajo xilka isaga dego

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho deg deg ugu qabsoonto.

Xildhibaan Ilhaan oo gabar Soomaali Mareykana ah waxay ka tirsan tahay xisbiga talada dalkaas haya ee dimoquraadiga, waxayna xubin ka tahay guddiga arrimha dibadda ee golaha wakiillada dowladda Mareykanka. 

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Warka Xildhibaan Ilhaan ayaa ku soo aaday iyadoo xalay dowladda Mareykanka ay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: