Farmaajo oo Rooble geeyey meel uusan kasoo laabaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iskud ayey inuu wiiqo awooda Ra’iisul Wasaaraha, oo xilligan gacanta ku haya arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka, ayaa waxaa bilowday abaabul cusub.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hore dhowr jeer uga gaabsaday in uu dagaal siyaasadeed adag la galo Farmaajo, ayaa xilligan u muuqda in uu go’aansaday in uu si toos ah u wajaho, asaga oo ugu yeeray “madaxweynihii hore”, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi sharciga ahaa.

Waxa uu sidoo kale xafiiskiisii ka fujiyey sawirka madaxweynihii hore, taasi oo muujineysa heerka ay gaartay carada Rooble.

Rooble marnaba ma dooneyn in dagaal heerkan gaara, balse waxaa ku qasbay Farmaajo oo daan-daansigiia laga joogi wayaey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii quus qaatay, kadib markii ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay ka hor istaageen in uu tago xafiiskiisi, wuxuuna hadda si toos ah ugu galay mucaaradka oo ayagu kal hore dagaal qaraar la galay Farmaajo.

Khilaafkii labada Nin ayaa hadda isku badalay isku awood sheegasho ciidan, waxaana Rooble ku gacan siinaya dagaalka Farmaajo xubnaha Midowga Musharaxiinta oo ayagu kal hore sandule uga wiiqay Farmaajo muddo kororsi sharci darro ah oo uu meel-marsaday.

Xulafeysiga Rooble iyo Mucaaradka ayaa waxa uu halis weyn ku yahay sii joogista Farmaajo ee Villa Somalia, waxaana billowday abaabul cusub oo dib loogu soo nooleynayo ciidamadii Badbaado Qaran.

Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in Farmaajo uu ku fiican yahay in la iska dhiciyo oo la tuso awood ciidan, maadama uu isagu bilaabay in uu danahiisa gaarka ah u adeegsado ciidamada dowladda.

Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u muuqda in si ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa, kadib in muddo ah oo laga indho saabanayay ficiladiisa guracan ee waxyeelaya marxalada xasaasiga ah ee kala guurka iyo amniga dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: