Xog: Taliyihii ilaalada Villa Somalia oo la xiray iyo mid cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada oo loo heysto inuu qaatay oo fuliyey amar qaldan.

Taliyahaas oo lagu magacaabo Xasan Aadan Dhicis, waxaa lagu eedeeyey inuu bixiyey amarkii shalay la isku dayey in Ra’iisul Wasaare Rooble looga hor-istaago inuu xafiiskiisa tago.

Xogtaan oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku dareysa in Taliyaha cusub ee ilaalada Madaxtooyada loo magacaabay G/Dhexe Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Geelle).

Sida ay ogaatay Caasimada Online Korneyl Axmed Geelle ayaa qaraabo dhow la ah wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga Odawaa Raage u soo gudbiyey oo ka dalbaday inuu xilkaas u magacaabo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale xogtaan waxay tilmaameysaa in la xiray taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Xasan Dhicis, waxaana lagu eedeeyay in uu qaatay amar qaldan iyo in uu dalka geliyay qal-qal amni oo halis ah.

Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ayaa dafiray oo sarkaalkaas ku inkiray inuu bixiyey amarka ay ciidanku ku galeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka, halka sarkaalka la xiray uu ku dooday in Farmaajo bixiyey amarkaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynihii hore uu iska fogeeyey inuu isagu abuuray qalqalkii shalay iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Muqdisho.

Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo shir jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee taalada Sayid ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban ciidanka, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

“Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano. Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo Farmaajo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka badbaado qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: