C/llaahi Maxamed Nuur oo Yaasiin Farey u qabtay 48 saac oo la xiriirta Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi ugu jiro dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray ku simaha agaasimaha hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaalada Roobow.

Wasiirka ayaa u qabtay 48 saac hay’adda nabad sugidda inay uga soo jawaabto dalabkiisa, isaga oo intaasi ku daray inay cabasho kasoo gaartay ehellada Abuu Mansuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dalbanayaan cadaalad, maadaama uu muddo dheer xiran yahay Sheekha oo laga soo qabtay magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharrax.

“Waxa la farayaa ku simaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay xafiiska wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa xiran tan 2019-kii, kadib markii ay magaalada Baydhabo kasoo qabteen ciidamada Itoobiya, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho.

Dalabka xasaasiga ah ee ka soo baxay wasiirka amniga gudaha ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyey aad looga deyrinayey xaaladda caafimaad ee Sheekh Mukhtaar.

Si kastaba, xilliga uu soo baxay go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Lafta Gareen uu ka horyimid ra’iisul wasaare Rooble, isla-markaana uu la saftay madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: