Guudlaawe iyo Qoor Qoor oo kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaraaan madaxweyayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee HirShabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Lama oga sida ay u suurtageli karto in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble oo gaaray meel xasaasi ah isla markaasna ay adag tahay in labada Nin ay mar kale isla shaqeeyaan.

Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbalad ayaa horey u sheegay inay garab taaga yihiin Ra’isulwasaare Rooble halka Koonfur Galbeed ay si cad ula safatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ka aamusay khilaafka cusub ee ka dhex qaray Farmaajo iyo Rooble, waxayna aamusnaatooda calaamad u tahay inay dhex-dhexaad ka yihiin khilaafka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: