Midowga Musharaxiinta oo dalbaday inuu Farmaajo deg deg uga guuro Villa Somalia, dacwadna lagu soo oogo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey isku¬daygii afgambiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxammad Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa shalay ciidan dul dhigay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey, si uu talada dalka ugala wareego xukuumadda xil-gaarsiinta, tallabaadaas oo markii dambe fashilantay.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa isku-daygii afganbiga ahaa ee uu 27-ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo. Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carcialadayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay midowga musharixiinta.

Midowga musharixinta ayaa dalbay in si deg deg ah dacwad looga gudbiyo madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda,” ayaa agu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale u mahad-celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay sheegeen inuu si geesinimo leh uga horyimid damicii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas. Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo ay doorashada soo dedejiyaan,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed  in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siiyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalka.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda midowga musharixiinta