Mooshin lagu ridayo xukuumadda R/Wasaare Xamza oo socda – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan BF.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mooshinkan ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa la rabaa in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Kaambaynka mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Xildhibaanadan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu si weyn ugu dhaliilay xukuumadda, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.

Ergeyga ayaa xilligaasi wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Dhaliisha u weyn ee uu ujeediyay xukuumadda ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka.

Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.